Xarunta Ishraaq Barnaamijyada Ishraaq Turath · Dhaxalka Culimada
← Barnaamijyada

Zaad Al Mufasiriin - Dufcaddii 3aad

Sh Muxammed Sh Cumar Dirir

Bilowga
15 Oct 2026
Qiimaha
Bilaash

Hal mar ayaa la bixiyaa · Qiimaha oo dhan · Lacag-celinta

Waa barnaamij lagu barto Tafsiirka Qur'aanka Kariimka.

QEEXID BARNAAMIJKA: Barnaamijkani waa barnaamij waxbarasho oo diiradda saaraya barashada Tafsiirka Qur'aanka iyo aqoonta la xidhiidha. BARAHA BARNAAMIJKA Barnaamijka waxa bare ka ah Sh. Muxammad Sh. Cumar Dirir. UJEEDADA BARNAAMIJKA 1. Fahanka kitaabka Allaah: Barnaamijka ujeedadiisu waa in ay bulshadu hesho fahan buuxa oo ku saabsan kitaabka Ilaahay iyo aqoonta ku duugan. 2. Wacyigelinta Bulshada: Barnaamijku waxa u dhisayaa wacyiga bulshada ee dhanka aqoonta Qur'aanka, si ay u fahmaan axkaamtiisa, qisooyinka, iwm uguna anfacaan naftooda iyo bulshada ku xeeran. MANHAJKA BARNAAMIJKA Barnaamijku waxa uu ku dhisan yahay manhaj tayeysan oo ka kooban Tafsiirka Qur'aanka oo dhameystiran iyo labo kitaab oo lagu baranayo aqoonta la xidhiidha Qur'aanka oo kala ah: 1. Usuulu Tafsiir. 2. Culuumul Qur'aan. Waxa kale oo kutubtaas la socda kitaabka Siraaj oo ay aradaydu ka dheehanayaan sharaxa ereyada Qur'aanka. Mudadda: Barnaamijku wuxuu soconayaa hal sanno.

Ka diiwaangeli app-ka Turath.